Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi oo weeraray Villa Somalia “waxaa isaga khaldmay dadka UK iyo Barakacayaashii”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah XIldhibaanada sida weyn uga soo horjeedo siyaasadda  ay dowladda Soomaaliya ku maamuleyso Soomaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ayaa magaalad London geysay musuq iyo laaluush ay u dooneyso inay ku joojiso bannaanbax looga horjeedo shirka shidaalka Soomaaliya ee maanta ka dhacay London.

Xildhibaan Fiqi oo ka mida mucaaradka sida weyn uga horjeeda shirkaasi ayaa si weyn u taageeray bannaanbaxa ay qabanqaabiyeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool UK iyo dalalka Yurub si ay uga hor jeestaan shirkaasi, isagoo qeyb ka ahaa dadka abaabulka shirka wax ka waday.

“UK waa dal xor, oo dad Soomaaliyeed oo xor ay ku nool yihiin, kooxda Villa Somalia waxaa isaga qaldamay reer UK & barakacayaashii.. ha guulaysto banaanbaxa xaraashka Batroolka Somalia ka dhanka ah, ha guulaystaan wadaniyiintu…” ayuu yiri xildhibaan Fiqi oo farriin soo dhigay baraha bulshada.

Waxaa soo baxay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay London u diray xubno uu ka mid yahay nin lagu magacaabo Cali Yare oo olole u galay inuu joojiyo bannaanbaxa isagoo u maraya laaluush, waxayna arrintan qabsatay baraha bulshada.

Banaabaxa ayaa lasoo sheegay in gebi ahaanba la joojiyey waxaana qaar kamid ah dadkii banaanbaxa abaabulayey lagu daray ka qeybgalayaasha Shirka Lonodon ka dhacayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this