Sign in to follow this  
Deeq A.

2 Xilli-Dhiig qubasho oo Reer Awdal guul weyn u horseeday iyo siraha dhiig daadashada togan ka farcama !! Dr.khadar-Libaaxley.

Recommended Posts

Deeq A.   

2 Xilli-Dhiig qubasho oo Reer Awdal guul weyn u horseeday iyo siraha dhiig daadashada togan ka farcama !! Dr.khadar-Libaaxley.

1.Horaantii 1984 diyaarada itoobiya ayaa duqeyn xoogle ka geystay qaybo ka mid ah Somaliland, Hargaisa, Wajaale, Borama iyo Xariirad, waxa si ba’an loogu lee’day magaalada Borama oo duqeyn xoogani sabankaa ku dhacday, waxa ugu badan ee maalintaa duqeynta Borama ku dhintay (84 ciyaala iskuul ah, dhaganeysay dugsi hoose dhexe oo meel kaliya lagu wada aasay dhamaantood, waxa intaa dheeraa 24 kale oo waayeel ah oo dhaawac iyo dhimasho isugu jiray, sabankaa Borama waxa ay aheyd degmo ka mid ah gobolka maroodi jeex, imaatinkii madaxda xamar ka timi ay Borama timi iyo qiimeyntoodii xaaladu waxa ay dhashay ( magacaabistii Gobolka Awdal isla sannadkii 1984 , dadkii dhintay waxa ay illa fur u ahaayeen magacaabista guusha ku soo fool la hayd reer awdal ).
2. SNM gudagalkii Borama dadkii ku dhintay waxa ay illa fur iyo gogol xaadh u ahaayeen waxa ay maanta haystaan Reer Awdal oo ah, dawladnimo haba iska taag darnaatee, dadkoodii oo dib isugu soo wada noqday si ay u camiraan Borama iyo gobolkoodii, oo hadii aaney xamar dumi la hayn ay maanta Borama tuulo yar , oo maroodi jeex ka mida iska ahaan la ahayd, degmadana ummado kale oo koon fur kayimi qabsan la haayee, dabadeedna sidaa barlaawe yaal koon-fur goboladeeda ku baahsan iska noqon la haayeen .

Siraha ka farcama dhiig daadashada togan :

Sideedaba indhaha wajiga ku yaala markay bad-qabaan waxay arkaan walax kasta oo araga indhaha wajigu ay qabtaan; hayeeshee indhaha qalbiga waxa lagu arkaa – ama cilmul baadinka ( xaqiiqada xogaha dahsoon ee dunida iyo kuwa dalka aad ku nooshahay) waa deeq illaahay bixiyo oo laasimka duco iyo dikri food saar u ah.
Xaqiiq aan xaqiiq loo dhaafaa jirin waxa ah ( Guulaha Aadamuhu gaadhay ama Guulaha ku soo fool leh qof , qolo, qabiil, gobol ama qaran waxa sunne buuxa oo aan shaki laheyn u ah dhimasho iyo dhiig daata ; sida gaadhi walba shidaal uu taayirka ku wareejiyo ugu baahanyahay!! Dhiiga illa furka u ah guulaha nolosha oo dhan wuxu noqon karaa mid xoolaad ama mid bini-aadam ).

1. Illaahay wuxu malaa’iigta ku war-galiyey in uu abuurayo Binu-aadam uu arlada/dunida masuul uga dhigo, malaa’iigtu waxay ku jawaabeen illaahaw ma mid dhiig ku daadiya oo fasahaadiya ayaad u dhiibaysaa arlada iyadoo annagu aanu kuu tasbiixsaneyno oo ku dahirinayno!! u fiirso mudane akhriste ( sharafka dhiigu leeyahay ) si Nabi Aadam-caleyhi salaam u dhasho, dhulka dhiig baa lagu sii rusheeyey, si lamid ah marka nin madax ah la soo dhaweynayo ee rooga cas loo sii dhigo, dhiiga dhulka ku daatay aabbeheen horteed ayaa ahaa isdilka dhiiga khal-qigii inaga horeeyey ee ay malaa’igtu ogeyd ** waxa uu gogol dhig u ahaa sirta abuuranka , jiritaanka Aadmiga iyo masuuliyada tallada arlada !!.
2. Nabi Ibrahim-caleyhi salaam sharfintii uu sharfay 2dii malag ee suurada Bini-Aadamka isku soo eekaysiiyey nabi ibraahin marti gashiimo wuxu uga dhigay gawraca ama ka dhiijinta dhiiga dibi shilis !! ka dhiijinta dibigaa uu nabi ibraahim gawracay waxa xigtay ( guusha bishaaradii nabi ibraahim ay malaa’igtu ugu bushaareeyeen *** wiilkii cilmiga badnaa ee hellay dhaxalkii aabbeheen aadam *** Nabi isxaaq caleyhuma salaam ) u fiirso sharafka dhiigaasi lahaa wuxu gogol dhig iyo ceelalyo u ahaa dhalashada nabi isxaaq iyo in silsilada nabinimadu marto hidihiisii.

3. Riyadii nabi ibraahim uu ku riyooday isaga oo gawracaya wiilkiisa ismaaciil , taas oo imtixaan rabi aheyd; sidaad wada ogtihiin illaahay wuxu ku furtay wiilkii yaraa ee nabi ismaciil gawraca ama ka dhiijinta dhiiga wankii weynaa; sharafka dhiigaa wanka weyn ee lagu furtay ismaciil ayaa gogol dhig iyo ceelalyo u a haa in Nabi ismaciil sii jiro, tarantiisa iyo tafiirtiisana uu ka mid noqdo ( khaatimul-ambiyaa ama kheyrul khalqi-laahi Nabi maxamed scw); gawraca wankaasi furashada xisaabsanaa qiimaha iyo qaayihiisa waxa uu ka mid noqday tiir ka mid ah tiirarka xajka.
4. Nabi maxamed awoowgii cabdi mudalib nidarkii uu illaahay lagaley ee ku beegmay cabdilaahi ibnu cabdi mudalib nabi maxamed aabbihii , waatii reer abtigii ku furteen badalkiisa gawraca boqol geela ah oo gole joog ah, oo xisaabsan halka aynu ka keennay xeerka magta ninku in uu noqdo 100 geel ah; furashada cabdilaahi ee gawraca 100 kaa geela waxa ay gogol dhig iyo ceelalyo u aheyd dhalashada , jiritaanka iyo nabinimada nabi maxamed SCW oo waatii Nabigu la haa ( waxa aan ahey Nabigii 2da gawrac dhexdooda ) oo ah sababta astaanta u ah jiritaankiisa, Nabinimada iyo mudnaanta weyn ee darajada sare kheyru-khalqi-laahi.
5. Dagaalkii 2aad ee aduunka 18 milyan oo qof ayaa ku dhintay sida taariikhdu wariso; qubashada dhiigaasi waxa uu calanka u siday guusha ( Dib u soo laabashada isra’el ee Qudus- Bariga dhexe iyo soo bixistaanka horyaalka quwada koowaad ee dunida ee maraykan ka).
6. Dagaalka ka qarxi doona Boqortooyada sucuudiga ee bilawgiisana ugu hor holci doona 3Nin ee isku qabsan doona Boqornimada dalkaasi sucuudiga, kadibna si ba’an ugu baahi doona wadanka oo dhan; dhiig daadinta dagaalkaasi oo xataa kabcada soo gali doona; sirta ku jirtaa waxay tahay in uu yahay gogol dhig iyo bilowga ( waaga cusub oo u baryi doona islaamka iyo dunida oo uu gadhwadeen ka noqonayo (Mahdigu).
7. Aroosyada reerka cusub maalintiisa u horeysa gawrac iyo dhiig xoolaad baa la daadiyaa oo xisaabsan gogol dhiga reerka yagleesha ah in uu u noqdo xirsi xidh iyo dayr !! xataa ilmo yar marka uu dhasho waxa sunne iyo jiritaankiisa lagu aasaasaa gawrac xoolaad; sidaa daraadeed : ( sirta ku jirta dhamaan dalka dibadiisa iyo gudahiisa dhiigagii iyo qudh-gooyooyinkii dalka dadkiisii ka dhex-dhacay ee ay SNM soo qubtay iyo kii laga qubay SNM , dhiigii sokeeye ee ku qubtay Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag ; fool-xumooyinkii dhacay iyo dhiig qubashadii baahsaneyd ee illaa maanta Sool iyo Sanaag ka sii qiiqaysa dhamaantood waxa ay gobbo’da’ iyo gabagabada u soo biyo shubanayaan gogol dhiga guusha furashada dalka iyo xaaladaha koritaanka ee dib u curashada markale jamhuuriyada Somaliland!! Sababtu waxa ay tahay Beeriba beerta ay ka waxsoo –saar iyo midho wanaagsan tahay ayaa digada xoolaha iyo saxarada dadka ee qudhunka ah lagu nafaqeeyaa!!).

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

2/6/2019.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this