Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Waare Oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii labaad laba todoabaad gudahooda isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada ee Hirshabelle.

Madaxweyne Waare ayaa magacaabay wasiiro,wasiiro ku xigeeno iyo wasiiru dowladayaal,waxaaana xubnaha uu magacaabay ka soo muuqday xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle.

Magacaabista uu sameeyay Maxamed Cabdi Waare ayaa kala ah 5 wasiir oo 4 kamid ah baarlamaanka Hirshabelle ay ka tirsanyihiin,4 wasiiru dowlayaal oo dhamaantood xildhibaano ah iyo lix xildhibaan oo loo magacaabay wasiiro ku xigeenada wasaaradaha la magaacabay.

Magacaabista wasiirada cusub ayaa imaaneysa xili bishii la soo dhaafay ayey aheyd markii Madaxweyaha Hirshabelle uu isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada oo xildhibaano ka tirsan maamulkiisa ay aad ugu soo muuqdeen.

hirsh.-764x1024.jpg

 

 

The post Madaxweyne Waare Oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this