Sign in to follow this  
Deeq A.

Saciid Raage “Paul Farmoso isagaa ii sheegay inuu Muslim oo magaca Ibraahim ayuu la baxay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online)-Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay saameynta dhaqdhaqaaqa dekadda magaalada Boosaaso uu ku yeeshay dilkii loo geystay madaxii Shirkadda P&O oo hoostagta Shirkada DP World.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Saciid Maxamed Raage oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay sida uu noqon doono heshiiskii shirkada lala galay iyo isbadalka maamulka dekadda kadib dilkii Paul Farmoso, maareeyihii dekadda.

Wasiir Saciid Raage, ayaa ugu horeyn sheegay inay dib u bilowdeen howlihii shaqo ee dekadda oo saacado kooban hakab ku jirtay kadib dilkii ka dhacay afaafka hore ee dekaddda magaalada Boosaaso.

“Dhacdadii ka dhacday dekadda magaalada gaar ahaan guriga Shirkada P&O waan ka tacsiyeyneynaa, waxaana soo hagaagaya dadkii ku dhaawacmay oo uu ku jiray ruux Hindi ah iyo ciidamada”ayuu yiri wasiirka.

“Ajaaniibtii wuu saameeyay dilkii dhacay, laakiin hal qof kama dhoofin dalka,shaqadana ma joogsaneyso maxaa yeelay dad kale ayay tababareen oo howsha sii wadi kara, haddana wey socotaa howsha dekada”

“Ninka Muslim ayuu ahaa, walow aanan aniga arag masaajidkana waa laga sheegay, in Ibraahim la yiraahdo isagaa ii sheegay, dowladeydana wey igu og tahay ayuu igu yiri inuu Muslin qaatay oo diintii kale uu ka tagay isagaaba ii sheegay”ayuu yiri wasiirka.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this