Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay mowqifka maamul goboleedyada shirka ka dhacaya London+Dhageyso

Recommended Posts

Deeq A.   

London (Caasimada Online)-Xubno matalaya dowlad goboleedyada oo ka qeyb galaya shirka ka dhacaya magaalada London ayaa ka hadlay mowqifka maamul goboleedyada ee shirkaasi.

Xubnaha oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirka ka dhacaya magaalada London inuusan jirin wax heshiis ah oo lagu kala saxiixan doono magaalada London, islamarkaana aysan jirin wax xaraash ah oo lagu sameynayo Shidaalka Soomaaliya.

Xubno matalayay Dowlad Goboleedyada kala ah Koonfur Galbeed,Hir-Shabeelle,Galmudug,Puntland iyo Jubbaland ayaa u ambabaxay Magalada London si ay shirkasi uga qeyb galaan.

Xubnaha ayaa sheegay in shirkaasi laga faafiyay warar been abuur ah islamarkaana aysan jirin wax xaraash ah oo lagu sameynayo shidaalka Soomaaliya.

Eng C/qaadir oo ah lataliyaha dhanka Qeybraadka ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in kaliya shirka London lagu soo bandhigayo daraasaad horey loogu sameeyay biyaha Soomaaliya sanadihii 2014 ilaa 2015.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ujeedada laga leeyahay shirka ay tahay in la ogaado marka hore ma saxbaa in dalkeena Shidaal leeyahay, waxaana kadib loo bandhigayaa dhamaan shirkadaha daneynaya in laga faa’ideysto shidaalka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Xubnaha-sax.mp3

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this