Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil amar ka heysta madaxweynaha Puntland oo gaaray magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online)-Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxaa gaaray Taliyaha ciidamada booliska ee Puntland iyo ciidamo badan uu hogaaminayay kuwaasi oo wata amarka madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamadan la doonayo inay xaqiijiyaan amaanka magaalada, oo dhawaan dil loogu geystay madaxii shirkada P&O ee dekada Boosaaso.

Ciidamada ayaa sida wararka aan ku heleyno waxay dhawaan ka bilaabayaan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari baaritaano iyo howlgalo gaar ah oo ka dhan ah amaanka magaalada Boosaaso.

Amarka ciidamada la siiyay ayaa ka dhashay kadib markii dhawaan magaalada lagu dilay maareeyihiin dekada Boosaaso ee shirkada P&O oo hoostagta Shirkadda DP World.

Warar kale ee aan heleyno ayaa sheegaya inay ciidamada xaqiijin doonaan amaanka magaalada iyo agagaarka xarumaha maamulka, maadaama dhawaan madaxweyne Deni la filayo inuu gaaro magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni oo dilkii Paul Farmoso ka hadlayay ayaa sheegay in Soomaali kaliya aysan dilkaasi ka dambeeyay islamarkaana gacmo Soomaali dhaafsiisan ay ka dambeeyeen, sida uu hadalka u dhigay.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilka oo xili hore ka dhacay magaalada Boosaaso.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this