Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku: Beelweynta Reer Sheekh Isaxaaq ee UK ee ka soo jeeda Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku: Beelweynta Reer Sheekh Isaxaaq ee UK ee ka soo jeeda Itoobiya

Gudida Sare ee Jahliyada Ethiopian Isaaq Forum Ayaa Caawa Fiidkii Kulan ku Yeeshay Xafiiskooda London.
Ujeedada Kulankan Ayaa ahayd qabanqaabinta Shirwaynaha Beesha iyo xaaladaha xasaasiga ah ee Dawlad Deegaanka Somalida itoobiya ka jira

qodobada ugu doorka roon ee shirka waxaa ka mida

■Siyaasada
■Nabadgalyada
■Saami Qaybsiga iyo tirakoobka la filayo

Waxa hadaba kulaankaa kasoo baxay arimahan hoos ku xusan

1. Canbaaraynta Dhacdadii Ardayda Lagu Rasaaseeyay Magaalada Harta_Sheekh Sabtidii Bisha January 26/2019.
Rasaastaas oo keentay Dhaawaca laba Will oo ka Tirsanaa Ardayda Fasalka 12 naad ee Dugsiga Sare Magaalada Harta_Sheekh.

2. Qabashada Shirwayne Beeshu yeelan Doonto Bishan February 9/2019 London Uk shirkaas oo Lagaga Arinsan Doono Xaaladaha Siyaasadeed Iyo Guud ahaan Arimaha Ka Socda Dds Ethiopia.

Waxa hadaba La Ogaysiinayaa Dhamaan Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beelwaynta Reer Sheekh isaxaaq ee jooga Wadamada yurub iyo Magaalooyinka kala Duwan ee Cariga Ingiriiska Uk inay Kasoo Qayb-Galaan Shirwaynahaa Ka Dhici Doona Magaalada London.

Address:
Sabti Saturday
Tariikh Date 9/Feb/2019
Mayfield House 202B
Cambridge Health Road
London E2 9LJ

Fadlan wixii faahfahina kala xidhiidh

Afhayeenka Gudidda : Xanse Jaaji Xassan

📞 07982931113

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this