Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruux Shacab Ahaa Oo Lagu Dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho(SMN)- Askari ka tirsan ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa xalay mid kamid ah dhalinyaradii degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafada Towfiiq ku dilay magaalada Muqdisho.

Marxuumka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Shueyb Biibaaye isla markaana xarun ganacsi ku lahaa xaafada Towfiiq iyo askariga dilka geystay ayuu muran soo kala dhex galay taas oo ugu danbeyn dilka sababtay.

Laamaha amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay iyagoo halkaasi ka bilaabay baaritaano kala duwan,ugu danbeyna waxay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan askarigii dilka geystay.

Ilaa iyo hada majirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo ku aadan dilka ruuxaasi shacabka ahaa oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

The post Ruux Shacab Ahaa Oo Lagu Dilay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this