Deeq A. Posted February 7, 2019 Sh.Hoose(SMN)- Diyaarado dagaal oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay duqeymo ka fuliyay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Duqeyntaasi kadib waxaa deegaankaasi gudaha u galay ciidamo cadaan ah oo ka daatay diyaaradaha duqeymaha fuliyay iyo ciidamada bangaraafta Soomaaliya. Rasaas xoogan oo ay is dhaafsanayeen ciidamadii huwanta ee weerarka soo qaaday iyo dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ayaa laga maqlayay gudaha deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Duqeymaha oo meelo fara badan lala beegsaday ayaa dadka deegaanka waxay xaqiijiyeen in goobaha ay ku dhaceen madaafiicdaa uu kamid ahaa masaajid ku yaalla deegaankaasi. Qasaaraha ka dhashay duqeymaha iyo weerarka tooska ah ee kala gaaray dhinacyada dagaalamay ayaan la xaqiijin,balse inta la xaqiijiyay 8 ruux oo shacab ah ayaa weerarkaasi waxyeelo ka soo gaartay. Ma jirto cid sheegatay weerarkii xalay ee isugu jiray duqeynta iyo midka tooska ahaa ee lagu qaaday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. The post Duqeymo Iyo Weerar Toos Ah Oo Xalay Ka Dhacay Sh/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites