Deeq A. Posted February 7, 2019 Muqdisho(SMN)- Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay magaalada Muqdisho kula kulmay Sheikh Mukhtar Rooboow oo ay xirtay dowlada Soomaaliya isagoo ahaa musharax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed. Madaxweyne Laftagareen iyo Rooboow oo kulankooda uu ahaa mid xasaasiya ayaa waxyaabo fara badan oo xariga Sheikh Mukhtar Rooboow oo ugu horeeyo kawada hadlay. Maalmihii la soo dhaafay madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku sugnaa magaalada Muqdisho,wuxuuna madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay ra’iisal wasaare Kheyre oo arimo badan ay kawada hadleen. Warar hoose oo ay heshay Shabelle ayaa sheegaya in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu Sheikh Mukhtar Rooboow kala hadlay arimo ku saabsan xarigiisa,isagoo u sheegay in uu dedaalo badan ugu jiro sidii xoriyadiisa dib uu ugu heli lahaa. Bishii December ee sanadkii la soo dhaafay dowlada Soomaaliya ayaa Mukhtar Rooboow ka soo qabatay magaalada Baydhabo,waxaana lagu xiray xarunta ha’yada NISA ee Muqdisho,dowlada Soomaaliya ayaa Rooboow ku eedeysay in uu meel maray heshiisyadii ay horay u wada galeen isaga iyo dowlada Soomaaliya. The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo La Kulmay Mukhtar Rooboow appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites