Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Shaqaalehii ajnabiga ee shirkadda DP World oo isaga baxay PUNTLAND

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Shaqaalihii ajaaniibta ahaa ee shirkadda P&O Ports ee dekedda Boosaaso ayaa shalay isaga baxay Puntland, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Shirkadda P&O waa shirkadda maamusha dekedda Boosaaso, waxaana iska leh oo ay hoos tagtaa shirkadda DP World  ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Go’aanka ay ku baxeen shaqaalaha ajnabiga ah, ayaa yimid kaddib markii dhawaan halkaas lagu dilay maamulihii shirkadda ee mashruuca dekedda Boosaaso, Paul Anthony Formosa, islamarkaana la dhaawacay ku xigeenkiisa.

Xubnaha baxay ayaa aaday dalka Imaaraadka Carabta, oo la rumeysan yahay inay kasii aadi doonaan dalalka ay u kala dhasheen.

Maamulka Puntland ayaa wali ku adkaysanaya in haba-yaraatee aan maamulkii dekedda waxba iska baddalin oo ay si buuxda gacanta ugu hayso shirkadda P&O Ports, islamarkaana bixitaanka shaqaalaha ay tahay un mid kooban ilaa xaaladda laga dejinayo.

Dhanka kale, waxaa Boosaaso gaaray cutubyo si gaar ah u hubeysan oo ka tirsan ciidamada Puntland kaddib markii uu sidaas amray madaxweynaha hadda la doortay ee Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Meydka Paul Anthony Formosa ayaa weli la aasin, wuxuuna yaallaa Boosaaso, ayada oo baaritaan lagu sameynayo.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this