Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkada Spectrum oo war cusub kasoo saartay shirka shidaalka Somalia ee ka furmaya London maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

London (Caasimada Online) – Magaalada London waxaa maanta ka furmaya shir ay soo qaban qaabisay wasaaradda batroolka xukuumadda Soomaaliya, oo dowladda ay sheegtay in lagu suuqgeynayo shidaalka la rumeysan yahay inuu ku jiro Soomaaliya.

Dad u badan siyaasiyiin ayaa shirkaasi ku tilmaamay in uu yahay mid lagu xaraashayo shidaalka dalka Soomaaliya, ayada oo dowladda federaalka ay beenisay.

Si kastaba, shirkadda leh qaban-qaabada shirkaas ayaa soo bandhigtay qorshaha Soomaaliya ee shirkaas.

Shirkadda Spectrum, ayaa sheegtay in shirka London lagu soo bandhigi doono aagagga cusub ee ku soo kordhay sahminta shidaalka Soomaaliya.

Shirkadda ayaa sheegtay in shirka London uu yahay mid ay wasaaradda betroolka iyo macdanta ee Soomaaliya ay xarigga uga jari doonto ayna qeexi doonto qeybihii ugu dambayay oo lagu wado inay ka koobnaadaan 50 xirmo oo ku fadhiya dhul dhan 173,000 km .

Waxaa sidoo kale shirkadda Spectrum ay qoraalkeeda ku xustay in shirka London lagu soo bandhigi doono shuruucda iyo hanaanka ku xeeran arrinta shidaalka Soomaaliya.

Si kastaba, shacabka Soomaaliyeed ayaa ka warsugaya natiijada kasoo baxda shirka magalada London oo ay ka qeyb geli doonaan wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, dibadbax looga soo horjeedo shirka, oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar ka mid ah Soomaalida London ayaa la filayaa inuu ka dhaco dibedda hotelka lagu qabanayo shirka.

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this