Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad kala socotaa shirka London ee shidaalka Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15494913424632609.jpg?resize=474%Qaar kamid ah dadka ka qeyb-galaya shirka London

Maanta waxaa hotelka Clridges magaalada London ee dalka Ingiriiska ka furmaya shir lagu soo bandhigayo macluumaad sahamin iyo suuq-geyn shidaalka Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya madax ka tirsan Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Wasiir Cabdirashiid Maxamed Axmed, xubno ka tirsan dowlad goboleedyada iyo shirkadah daneeya shidaalka adduunka.

Shirkan waxaa soo abaabushay shirkadda Spectrum Geo Ltd oo laga leeyahay dalka Norway, taas oo soo bandhigi doonta macluumaad la xiriira sahamin shidaal oo ay 2014, 2015 iyo 2017, ka samaysay badaha Soomaaliya.

Shirkadda Spectrum ayaa boggeeda ku sheegtay in shirka London uu yahay mid ay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ay xarigga uga jari doonto ayna qeexi doonto qeybihii ugu dambeeyay oo lagu wado inay ka koobnaadaan 50 xirmo oo ku fadhiya dhul dhan 173,000 KM.

Balse xubnaha dowlad goboleedyada uga qeyb galaya ayaa London ka sheegay in shirkan uu ku saabsan tahay labo arrimood oo kala ah, in lagu soo bandhigo sahamin shidaal oo horey loogu sameeyay badaha Soomaaliya iyo in lagu suuq-geeyo kheyraadkaas, waxayna tilmaameen in uusan jirin wax heshiis ah oo lagu saxiixayo shirkaas.

Xubnaha dowlad goboleedyada ku matalaya shirka London oo hadlay.

Posted by Puntland Post on Wednesday, February 6, 2019

Eng. Cabdiraxmaan Cabdi oo ku matalaya shirka London Puntland.

Posted by Puntland Post on Wednesday, February 6, 2019

Qaar kamid ah xisbiyada mucaaradka Soomaaliya ee ay hogaamiyaan Xasan Sheekh, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Shariif Sheekh Xasan ayaa horey uga digay shirkan, iyagoo sheegay in ay ka walwalsan yihiin in lagu daahfuro bixinta shatiyo shidaal iyo iibinta xirmooyin shidaal, iyagoo ugu baaqay dowladda in ay joojiso arrintaas inta la dhameystirayo shuruucda dalka.

Qodobka 44-aad ee Dastuurka KMG Soomaaliya ee ka hadlaya qeybsiga kheyraadka dalka ayaa wali ah mid qabyo ah, sidoo kale shirkii Baydhabo Jun 2018, waxay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu ku heshiiyeen qaab kheyraadka dalka loo wadaagayo, abuuris hay’ad qaran oo maamusha shidaal iyo shirkad qaran oo shidaal, heshiisyadaasna wali shirci ahaan looma taaba galin.

Waxaa jira dad London ka abuubulay mudaharaad ay uga soo hor-jeedaan shirkan, kaas oo ay rabaan in ay ku dhigaan afaafka hore ee goobta shirku ka furmayo.

PUNTLAND POST

The post Maxaad kala socotaa shirka London ee shidaalka Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this