Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Wasiirka Maaliyada Oo Arrintii $80 Million Ku Saxday

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir-Sacad-Cali-Shire-Shalay-iyo-Maant

Somaliland: Wasiirka Maaliyada Oo Arrintii $80 Million Ku Saxday

Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyada Somaliland ayaa maanta warsaxafeed uu qabtay ku qiray in ay arrintan deyntu ay jirto, hase yeeshee tirada $80 Million ee uu fagaaraha soo dhigay xildhibaan Ibrahim Buubaa, af-hayeenkii hore ee Waddani, in ay khalad tahay. Markaa, su’aasha meesha talaa waxa weeye “Deynta ama lacagta la liqay ma ka badantahay $80 million?”

Videoga warsaxaafeedka uu bixiyey wasiir Sacad ayaa noqotay caddeyn in ay arrintan deyntu jirta, tiradi inkastaba ha noqotee. Markaa, ama $80 million ha ka yaraato ama ha ka badnaato, ee arrinta deynta ama lacagtan la liqay, waa wax jira. Midkaa wasiirka ayaa afkiisa ku cadeeyey.

Markaa maahmaahdii ahayd, “Beeni raad ma leh” wataa. Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaa la haboon in ay iska daayaan sidii arrintan loo aasilahaa. Iyagu deynta may gelin, loomana haysto, xukunkii ka horeeyey baa ka masuul ah.

Haddii ay arrintu noqoto in xisaabtan, inkastaba ha noqotaa, la wada liqay, oo wixii maanta jooga iyo kuwii shalay talada dalka hayey, ay dhuunta mariyeen, dee, waa arrin kale.

Wixii dhacay, dhac. Dadka Somaliland, meel kasta oo ay jogaanba way ogyihiin boobkii iyo musuq-maasuqii ka jiray dalka todobaddii sannadood ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud “Silaanyo” ku magacaabnaa xafiiska.

Nasiib daradu waxay tahay, intii laga hortagi lahaa musuq-maasuqa weli jira, in la isku dayo, sidii loo qarin lahaa. Haddii aad bugtid oo aad caafiimaad doonasid, marka ugu horreysa waa inaad qirataa ama aqbashaa in uu xanuun ku hayo. Somaliland musuq-maasuq baa ka jira, inaga oo keliya ma aha, adduunkuu oo dhan buu ka jiraa. Lakiinse, Somaliland waa dal sabool ah, shillinkii la dhaco, waa shillin laga dhacay carruuteena, hooyooyinkeena, aabayasheen iyo walaaloheenba.

Somaliland waxay weligeed ku dhisnayd, wada hadal, wada tashi iyo go’aan wadaag. Haddii aynu maanta wixii jira indhaha ka xidhano, berrina wixii yimaada waxba kama qaban karno.

Ahmed Kheyre

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this