Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Xaraashka Shidaalka Soomaaliya Oo Maalinta Barri Ah Lagu Qabanayo Magaalada London Ee Dalka Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Maalinta Barri oo khamiis ah waxaa magaalada London ka dhacaya dibadbax lagaga soo horjeedo xaraashka shidaalka Soomaalida.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay shirkaasi qaadhaceen guddiyada kheyraadka ee labada golle ee baarlamaanka federaalka ah, xisbiyada midowga nabadda iyo dimoqraadiyadda (UPD) iyo Wadajir iyo waxgaradka Soomaaliyeed.

Heshiisyada-shidaalka-Soomaaliya-1024x85

Cusmaan Sheekh Maxamed(Qoox) oo ah madaxa qaban-qaabiyeyaasha dibadbaxa oo la hadlay ayaa sheegay in ujeedka uu yahay “in la joojiyo shirka xaraashka shidaalka, oo xilligan aaney Soomaaliya u diyaarsaneyn in aan wax la qeybsanno caalamka”.

Qoox oo sii hadlaya waxaa uu yidhi “Sharciga marka la eego, aqalka sare shirkan waa diiday, guddoomiyaha guddiga kheyraadka ee golaha shacabka waa diiday, oo lama soo marin labada gole, sharciyadii lama sameyn, dalka ma aha iib, ma rabno in dalka ceyriin lagu qeyado”.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in ay Febraayo 7, 2019-ka, bixin-doontaa qandaraas balook- yo dhan 206 oo ku saabsan baadhista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya, waxaana arrintaas isku af ka ahaa Engineer Karar Shukri Doomey, oo ah agaasimaha wasaaradda Batroolka iyo shirkadda sahanka shidaalka ee Spectrum Geo. Laakin maalmihii tagay ayey isla dowladdii ku sheegtay shirkan London soo bandhigga sahanka shidaalka Soomaaliya.

Haddaba, Soomaaliya ayaa shirkan aadey iyada oo aaney diyaar u aheyn:

  1. Ma DhameystirnasSharciga Batroolka oo baarlamaanka federaalka ayuu la yaalla.
  2. Diyaar ma aha xerar hoosaadyo ku saabsan bii’ada (deegaanka) iyo caafimaadka (Health /safety and environment)
  3. Ma jiro Xeer-hoosaadka Hayadda Soomaaliyeed ee Shidaalka (Somali Petroleum Authority)- Hayaddan waxay bixinaysaa laysanada iyo ruqsadaha, waxayna daba-galaysaa hawlaha socda, iyo sida ay u socdaan hadday waafaqsan tahay heshiiska Soo-saar wadaagga shidaalka (Production sharing agreement).
  4. Looma oga si sax ah shidaalka ku jira balook-yada kala duwan iyadoo sal looga dhigayo xogaha 2-D saysmikada, lamana qiimeyn.
  5. Lama sameyn qiimaynta saamaynta hawalaha shidaalka ay ku yeelan karaan deegaanka badda ah (Environmental impact assessment).
  6. Lama diyaarin Sharciga Cashuuraadka (a Modern Tax Law)
  7. Soomaaliya ma lahan aqoon iyo khibrad ku filan oo hawlaha qandaraas-bixinta iyo gorgortanka la xidhiidha ee shirkadaha caalamiga ah ee sahmiya, soona soo-saara shidaalka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this