Sign in to follow this  
Deeq A.

“Hal Milyan In Ka Badan Ayaa Macaluuli Iyo Gaajo Soo Wajahday Dadkii Reer Somaliland Xukuumaduna Madaxtooyo Cusub Ayay Dhisanaysaa…” Guddoomiye Cirro

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa nasiib daro ku tilmaamay in shacabka Somaliland oo la sheegayo in hal milyan in ka badani ay soo wajahday gaajo iyo macaluuli in xukuumadda iyo madaxwayne Biixi-ba ku mashquulsan yihiin dhisida Madaxtooyo Cusub.

Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in lacagta ku baxaysay Madaxtooyadda cusub aanay cidna garanayn inta ay tahay iyo xaga laga keenay,waxaana uu sheegay inaanay somaliland wakhtigan mudnaan u ahayn in madaxtooyo loo dhiso.

“Iyadda oo la leeyahay shacabkii milyan iyo badh ayaa gaajo u dhimanaya mudnaan uma aha somaliland in guri cusub oo qasri ah oo madaxtooyo dhisato oo ay ku bixiso lacag faro badan oon la garanayn tiradeeda.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay Saab Tv

Xukuumadda ayaa baryihiin u dambeeyay ku mashquul sanayd dhisida madaxtooyo cusub oo aan shacabka loo soo bandhigin qiimaha ku baxaya iyo waliba xaga laga keenay lacagta lagu dhisayo taasi oon iyaduna noqonaysa qorshe kale oo faro ku godan tahay.

Dadka Siyaasadda u dhuun daloola ayaa sheegay in madaxwayne muuse biixi looga baahnaa lacagta uu ku dhisayo madaxtooyadda inuu ku bixiyo shacabka somaliland ee la shaaciyay in ka badan hal milyan in ay cun yaraan soo wajahday oo ay u baaan yihiin gargaar deg deg ah.

Halkan hoose ka DAAWO hordha waraysigaasi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this