Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Sheeko Xiiso Leh Ka Qoray Kala Hadalkii Wasiir Sacad Cali Shire Ee Daynta 80-ka Milyan Ee Dollar.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargaysa) Aqoonyahan Jamaal CALI Xuseen oo cilmiga dhaqaalaha ku xeel dheer ayaa sheekadan ka qoray kala hadalkii shalay iyo maanta ee Wasiir Sacad Cali Shire.

F9B759F7-7524-4C7B-A4DE-74A8EBB1D1D3-102

Sheekaddii Maanta # 2
Niman tuug ah ayaa beri hore Bangi weyn dhacay. Lacagtii ay qaateen badnaanteeddii ayeey tirin kari waayeen Oo haleeli waayeen. Mida ka mid ah ayaa yidhi; ” waar inaga kaxeeya meesha idaacadda ama warbaahintaba waynu ka maqli doonaaye.” Kolkay u caraabeen ardaaggii ama guriggii ay ku dhuumanayeen ayuunbay mar qudha maqleen Raadiyowgii Oo leh Bankiggii weynaa ee hebel waxa laga dhacay US$ 20 million Oo doolar. Nimankii tuugta ahaaba iyagoo yaaban xadigan la sheegay inay dhaceen ayeey tiro ku dhaqaaqeen lacagtii ay soo dhaceen.

Tiraddii ka dib Waxay nimankii tuugta ahaa ogaadeen lacagta rasmiga ah ee ay qaateen inay tahay uun US$10 million Oo doolar. Oo show madaxdii Ugu sareysay ee Bangiggii la dhacay ayaaba u heshiiyey oo u dhex raaciyey oo $10 million kale Oo dheeraad ah Oo ay hoos u qaatay Oo kana dhigeen inay tuugtii hore dhacday lacagta US$20 million ee idaacadaha iyo warbaahinta dhamaan laga sheegay. Haddaba tuugtii hore Oo ka cadheysan in wax aanay qaadan lagu masabiday Oo tuugtan kale ee Baanka Ninka haystaa horkacaya ay bilaash iyo hawl yari wax ku dhacayaan, halka tuugtii hore ay rafaad u mareen Bangiggii ay dhacayeen. Kolkaa tuugtii hore ayaa telefoon iyagoo ku hadlaaya warbaahinta si sir ah uga qiranaya in ay iyagu dhaceen US$ 10 million Oo keliya, madaxdii Baankuna ay u dhex raaciyeen 10 ka million ee kale. Mar qudha ayaa warbaahintii ku soo jeesanaysa madaxdii Baanka Oo ay kashifmayaan. Kolkaasay madaxdii Baanku iyagoo yaaban mar kale si habachabac u dafirayaan warkooddii hore iyagoo leh doorkan: ” Qalad ayaa laga fahmay warkaygii hore ee waxa qudha ee maqan ee la dhacay waa US$10 million, askarigii warka naga qoraayey baa qaldaye raalli ahaada! ” Bal Adba! Jamaal Cali Xuseen


Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this