Deeq A. Posted February 6, 2019 Xildhibaan Ibraahin Mahdi wuxuu sheegay in Xukuumadii Siilaanyo ku wareejisay Xukuumada hadeer talada haysa 80 malyuun oo doolar , Wasiiradii Maaliyadda ee Xukuumadii Siilaanyana waxay sheegtay in aanay wax dayna wareejin haba yaraatee , Wasiirka Maaliyada ee hadeer xafiiska joogana isna wuxuu cadeeyay in aan warkaasi jirin xildhibaanku sheegay . Sidaa markay tahay , mucaaradada aynu tabayno maanta oo kale waxa ay tahay , in Xisbiyada mucaaridku mawqifkooda cadeeyaan ku saabsan arrintan , Xubnaha Golaha Wakiilada ugu jira Mucaaridkuna arrintan golaha mooshin ahaan u horgeeyaan . Maqnaanta xildhibaano firfircoon oo mucaaridka goleyaasha ugu jiraana , waxay ka dhigan tahay maqnaanta mucaaridadii sharcigu jideeyay ee rasmiga ahayd . W/Q: Axmed Nuur Guruuje. Source Share this post Link to post Share on other sites