Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaridada Aynu Tabayno Maanta Oo Kale.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Ibraahin Mahdi wuxuu sheegay in Xukuumadii Siilaanyo ku wareejisay Xukuumada hadeer talada haysa 80 malyuun oo doolar , Wasiiradii Maaliyadda ee Xukuumadii Siilaanyana waxay sheegtay in aanay wax dayna wareejin haba yaraatee , Wasiirka Maaliyada ee hadeer xafiiska joogana isna wuxuu cadeeyay in aan warkaasi jirin xildhibaanku sheegay .

66EAA33D-9CD9-461A-9FD5-544A14ED1C1A.jpe

Sidaa markay tahay , mucaaradada aynu tabayno maanta oo kale waxa ay tahay , in Xisbiyada mucaaridku mawqifkooda cadeeyaan ku saabsan arrintan , Xubnaha Golaha Wakiilada ugu jira Mucaaridkuna arrintan golaha mooshin ahaan u horgeeyaan .

Maqnaanta xildhibaano firfircoon oo mucaaridka goleyaasha ugu jiraana , waxay ka dhigan tahay maqnaanta mucaaridadii sharcigu jideeyay

ee rasmiga ahayd .

W/Q: Axmed Nuur Guruuje.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this