Deeq A. Posted February 6, 2019 Waxay ahayd 2012 kii markii ay xukuumadda ingiriisku ka badheedhay ee ay soo jeedisay in Somalia iyo Somaliland u wada hadlaan laba dhinac iyadoo Caalamkuna ka yahay markhaati ilaa iyo ergooyin 50 dowladood ka kala socday ka dib Xukuumadda Turkiga ayaa soo afduubtay wada hadalkii Somalia iyo Somaliland,waxayna bedeshay Sawirkii ama qaabkii wada hadalku u socon lahaa oo halkii ay ka ahayd dhex dhexaadin(Mediation) wuxuu isu beddelay (Good Office) macnaha gogosha ayunbaanu idiin dhigaynaa waxana Somalia wada hadalka u hogaaminayay Wasiierkooda Arrimaha Gudaha halka ay Somaliland uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxa halkaas ka muuqatta sida loo kala durugsanyahay. Haba se ahaatee wixii la isku afgartay ama lagu heshiiyay Istanbuul I iyo II way ka baxday Xukuumadda Somalia oo ay ugu muhiimsanayd in hawada si wada jira ah loo maamulo iyo in la iska daayo hadallada warbaahinta la isu marinayo ee wax kala fogayn kara hase ahaattee Somalia mar keliya afka kamay dhigin inay iyadu ka taliso Somaliland iyo inay hawada maamulkeeda iyadu la wareegtay.Cid arrintan kala xisaabtantay ma jirto ama xattaa Canbaaraysay waayo Turkiga ayaa masuul ka ahaa wada hadalka isaguna wuxuu ka dhiganyahay inuu Somalia si cad ula safan yahay. Waxa meesha ka muuqatta in Turkigu isagoo eegaya danihiisa oo keliya oo ah inuu Africa Awood iyo saamayn ku yeesho soona ceshado awwoodii ay lahaan jirtay Dowladdii Cusmaaniyiinta inuu wakhti badan ka lumiyo Umadda Somalida hore wuxuu uga lumiyay 6 sanadood imikana 10 sanadood oo kale ayuu rabaa in sidaas la sii ahaado wuxuuna u arkaa in Somalia oo mid ah ay tahay dantiisa. Waxa dhowaan soo baxay inuu Turkigu u magacaabay Ergey Cusub (Dr Olgan Bekar) wada hadallada Somaliland iyo Somalia oo waa kuma Ergaygaasi?waa Safiirkii Somalia Muqdisho u fadhiyay oo markii laga bedelay Safaaradda ee uu Turkiga ku noqday isla markiiba loo magacaabay Ergeyga wada hadallada Somaliland iyo Somalia isla markiiba waxa qaabilay oo casuumay Safiirka Somalia u fadhiya Turkiga Danjire Jaamac A Maxamed isagoo u riyaaqsan magacaabista ninkaas wuxuuna ballan qaaday inay Dowladda Somalia la shaqayn doonto una fududayn doonto howsha loo igmaday.”Farxad ayay ii ahayd inaan danjire Olgan Bekar ku qaabilo Ankara” Sidaas ayuu yidhi Danjiraha Somalia,Waxa meesha ka muuqda inaan dhex dhexaadnimo ka muuqanin meesha Faaiido iyo midho dhalna aan u ka soo bixi doonin Wada hadal kasta oo Turkigu gacmaha kula jiro balse uu yahay Luggooyo iyo Wakhti Lumin. Wakhtiga oo sii luma Somaliland faaiido uma laha Sababtu waxay tahay Somaliland Yool ayaa u cad oo ay Higsanaysaa ah inay gaadho Aqoonsi ay beesha caalamka ka hesho,Hase ahaatee Dhinaca Somalia waxad moodda inaanay dan iyo muraad ka lahayn wakhti lumaya ee ay ugu dhantahay magacaas Somalia ee ay ku shaqaystaan maadaama Somalia dawadeedu fogaatay oo aanay howl yarayn sida ay ku gaadhi karaan Nabad iyo Xasilooni macnuhu waxa weeyaan wax ha la wada qabo hana la iska lusho uun. WAXA FIICNAAN LAHAYD IN SOMALIA IYO SOMALILAND SI CAD OO AAN GABASHO LAHAYN LOO WADA HADLO OO IYAGU DANTOODA DHAMAYSTAAN HADDII TAAS LA ISKU AFGARAN WAAYO WAA IN LAHELAA CID DHEX AH OO KALA GURTA UNA GAR QAADDA OO AAN AHAYN TURKIGA,ISLA MARKAANA WAA IN LAGU CELIYAA WADA HADALKA LONDON. WAY FIICANTAHAY IN SWITZERLAND AMA SOUTH AFRICA LAGU QABTO WADA HADALKA LABADA DHINAC WAXASE MUUQATTA IN ARRINTII AY SOMALIA KA XUMAATAY AY AHAYD MARKII NICOLAS HAYSOM UU SOO JEEDIYAY IN KOONFUR AFRICA LAGU WADA HADLO AY AAD UGA XUMAADEEN SABABTA UGU WAYN EE AY U ERYEEN AY TAAS AHAYD. Waxa qurux badnaan lahayd inay Somaliland Diplomasiyad heer sarraysa ay ciyaarto iskuna daydo sidii Turkiga looga wareegi lahaa,Caalamkan loogu muujin lahaa in aanay Xukuumadda Turkigu dhex ahayn ee la helo cid dhex ah oo u gar qaadda Labada Waddan Waa Somalia iyo Somaliland Nooca wada hadal ee midho dhal noqon karaa waa laba uun A)-Reconcilation oo macneheedu yahay in labada waddan waxay ku heshiin lahaayeen loo yeedhiyo oo la yidhaa qodobadaas raaca iyo B)Mediation oo ah Dhex dhexaadin ka gardaran la qabanayo oo Runta loo sheegayo, arrimahaas waxay ka suurto geli karaan meel ahaan ahayn Turkiga. Wa billaahi Towfiiq Rashiid Odowaa Khadarsalaan@mail.com 063-4101213 Source Share this post Link to post Share on other sites