Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiye Mursal oo la kulmay Madaxwaynaha Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (SMN) – Afhayeenka Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa maanta kula kulmay Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, caasimada dalkaas.

Socdaalka uu Gudoomiye Mursal ku tegay dalka Jabuuti ayaa ahaa mid aanan la shaacin, iyada oo labada mas’uul ay kawada hadleen qodobo ay kamid yihiin xaaladaha labada dal gaar ahaan amniga iyo siyaasada.

Jabuuti ayaa kamid ah dalalka ay ciidamo kaga sugin yihiin Somalia, oo qayb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, kaasi oo la filayo in sanadkaan laga dhimo ku dhowaad 1,000 askari.

The post Gudoomiye Mursal oo la kulmay Madaxwaynaha Jabuuti appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this