Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Himilo Qaran ee Shariif oo qoraal deg deg ah soo saaray kadib qoraalkii Caasimada Online

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeed deg deg ah kasoo saaray shirka shidaalka Soomaaliya ee berri ka furmaya magaalada London.

War-saxaafadeedkan ayaa yimid laba saac un kadib, markii Caasimada Online ay ku eedeysay xisbigan inuu ka aamuso inuu caddeeyo mowqifkiisa arrimaha muhiimka ah ee ku saabsan xaaladda dalka, gaar ahaan shirka London. Halkan ka aqri qoraalkii Caasimada Online.

Ilo-wareedyo ka tirsan xisbiga, ayaa u sheegay Caasimada Online in xubnaha xisbiga isla garteen inay qalad weyn ahayd inay muddo intan la eg ku qaadato inay shirkaas jawaab ka bixiyaan, ayada oo qoraalkan uu yimid markii ay ku baraarugeen faallada Caasimada Online.

Si kastaba qoraalka kasoo baxay xisbiga ayaa lagu dalbaday in dowladda Soomaaliya ay shirkaas joojiso.

Waxyaabaha xisbiga Himilo Qaran uu uu sababta ka dhigay ayaa ah inay walaac abuureyso deg degta dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku iibiso shatiyada xirmooyinka shidaalka Soomaaliya.

Qoraalka Xisbiga Himilo Qaran, ayaa sidoo kale lagu sheegay in qodobka 44-aad ee xeerka lagu maamulayo shidaalka iyo kheyraadka Soomaaliya uu weli yahay qabyo oo aan la ansixin.

Waxa uu xisbiga sheegay in ha’aydihii maareen lahaa arrimahan, gaar ahaan xeerarka iyo sharciyada ku hareerysan maamulka shidaalka Soomaaliya aan la meel-marin, ayada oo taas ay dheer tahay in dowladda Soomaaliya aysan iminka lahayn awood ay wada-xaajood wanaagsan kula gasho shirkadaha daneynaya shidaalka Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalka xisbiga Himilo Qaran

51293407_583672682043838_824308017141068 51243220_583672735377166_700746819402989

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this