Sign in to follow this  
Deeq A.

Paul Anthony Formosa oo la shaaciyey in sababta loo dilay ay ahayd mid dhaqaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Malta (Caasimada Online) – Wargeyska Times of Malta ee dalka Malta ayaa qoray in dilkii agaasimihii DP World ee dekedda Boosaaso Paul Anthony Formosa oo reer Malta ahaa, uu ahaa mid arrimo dhaqaale ay dhiir-geliyeen ee aanu ahayn mid siyaasadeed.

Agaasimaha machadka daraasaadka caalamiga ah ee Roma, Nicola Pedde ayaa u sheegay wargeyska “Al-Shabaab waxay marar badan fulisay weeraro lagu dhaawacayo sumcadda dowladda, hase yeeshee dilka Formosa wuxuu ahaa mid dhaqaale”.

“Fariinta Al-Shabaab ay u dirtay Imaaraadka Carabta ayaa ahayd: Danihiina halkan waxay nagu yihiin caqabad dhaqaale” ayuu yiri.

“Al-Shabaab waxay inta badan lacagaha ka heshaa ganacsiga sharci-darrada ah iyo maamulka dekedaha, mana ogolaaneyso in dibedda ay saameyn uga timaado” ayuu yiri.

Nicola Pedde waxa uu intaas ku daray “Al-Shabaab waxaa macquul ah inay shirkadahan ku eedeeyeen inay bililiqeysanayaan Soomaaliya, hase yeeshee sababta rasmig ayaa ah inay doonayaan inay lacag kasoo gasho dekedaha. Shirkadahan waxay afduubteen ilo-dhaqaale oo muhiim u ahaa Al-Shabaab”

Donald Brownrigg, oo isna madax ka ah shirkad dhinaca amniga qaabilsan ayaa sheegay in Shabaabka ay siyaabo badan lacagta uga helaan dekedaha, sidaas darteedna ajnabi maamula dekedda uu caqabad ku yahay.

“Waxay dadka ka shaqeeya dekeaha ka dalbadaan lacag ay naftooda ku badbaadiyaan ama la dili doono haddii aysan bixin” ayuu yiri.

Shirkadda P&O oo hoos tagta DP World ayaa heshiis 30 sano ah waxay sanadii 2018 kula wareegtay maamulka dekedda magaalada Boosaaso.

Caasimada Online
Xafiiska Roma
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this