Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Dalalka Somaliland, Kenya Iyo Soomaaliya U Qaabilsan Waddanka Finland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Somalilandtoday)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalalka Somaliland, Kiiniya iyo Soomaaliya u qaabilsan dalka Finland Ambassador Erik Lundberg.

51401873_2021248864655623_35890905161190

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay safiirka dalalka Somaliland, Kenya iyo Soomaaliya u qaabilsan waddanka Finland, ayaa lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo ay kamid yihiin xoojinta xidhiidhka labada dal iyo sidii ay dawladda Finland Somaliland uga caawin lahayd horumarinta waxbarashada iyo iskaashiga dhinaca maal-gashiga.

Madaxweynuhu waxa uu ku hambalyeeyey dawladda Finland mashruuca toban jirsaday ee MIDAFINNSOM oo ay dawladda Finland kala shaqayso wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu safiirka ku bogaadiyey booqashada uu ku yimi dalka, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday is af-garad buuxa.

Waxa madaxweynaha kulankaas ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this