Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir sanadeedka Garsoorka dalka Oo ka furmay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( SMN) – Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay shir weynaha Garsoorka dalka oo aan la qaban dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Shirka waxaa ka qeybgalay dhammaan hay’adaha Garsoorka dalka, kuwa maamul goboleedyada dalka iyo qeybaha kala duwan ee bulashada.

Sidoo kale waxaa furitaanka shirkan ka qeyb galay ku simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka, ahna guddoomiye ku xigeenka labaad ee BFS, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo wasiirka cadaaladda xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ugu horreyn xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa faah faahin ka bixiyay caqabadaha heysta Garsoorka dalka.

Xeer ilaaliyaha ayaa ka codsaday labada aqal ee baarlamaanka in ay dadajiyaan dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa.

Sidoo kale ku simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka, ahna guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaasi Mahad Cabdalla Cawad oo daah-furay shirka ayaa tilmaamay in Garsoorku uu ka madax banaan yahay hay’adaha dowladda, loona baahan yahay in si hufan uu u guto waajibaadkiisa.

Ugu dambeyn Baashi Axmed Yuusuf guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa ka warbixiyay hanaanka uu ku shaqeeyo Garsoorka iyo waxyaabihii u qabsoomay.

Maxkamadaha dalka ayaa sanadii hore ee 2018 ka gar naqay 12734 dacwadood, kuwaas oo isugu jiray madani, ciqaab iyo maamul.

The post Shir sanadeedka Garsoorka dalka Oo ka furmay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this