Sign in to follow this  
Deeq A.

Ameeriko Oo Ciidan tababar ugu soo xiray Garbahaarey

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (SMN) – Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta 300 oo askari tababar ugu soo xiray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Taliye Ameeriko oo la hadlayay ciidamadan ayaa kula dar daarmay in ay ilaaliyaan nabad galyada deegaanka, si looga maarmo ciidamada milatariga ee jooga magaaladaasi.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagu farxo, guulna u ah ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dhinaca kale wararka ka imaanay Baardheere ayaa ku warramaya in maanta ciidamada dowladdu howlgallo ay ka sameeyeen magaaladaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu ka fuliyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Saraakiil ka tirsan kuwa milatariga oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in u jeedka howlgalladan uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga degmadaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in lagu soo qab qabtay baaritaanadan dad kor u dhaafaya 50 Qof oo lala xariirinayo falalka ammaan dari ee ka dhaca halkaasi.

Dhawaan ayey aheyd markii Al Shabaab weerar ismaadaamin ahaa ay ku qaadeen saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin magaalada Baardheere ee G/ Gedo.

The post Ameeriko Oo Ciidan tababar ugu soo xiray Garbahaarey appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this