Deeq A. Posted February 6, 2019 Qaahira (SMN) – Shirkani oo ay ka qeyb galayaan wasiirada arrimaha dibadda dalalka ururka Midowga Africa ayaa lagu wadaa in beri uu ka furmo dalka Masar. Shirka oo socon doono muddo 2 cisho ah ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa xaaladda amni ee dalalka Liibiya, Soomaaliya iyo Jamuuriyada Dimoqoraadiga ah ee Congo. Sidoo kale shirkan ayaa gogol xaar u ah madasha madaxda wadamada Midowga Africa oo Axada soo socota ka furmi doono magaalada Qaahira ee xarunta dalkaasi. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ay ka jiraan falalka amni daro, waxaana ka howlgala in ka badan 22 kun oo askari oo kasocda Ururka Midowga Africa. The post Soomaaliya Oo shir muhiim ah uga qeyb galeysa Masar appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites