Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Khayre oo shaacisay xilliga la dhisayo golaha adeegga Garsoorka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji wasiirka wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkan dowladdu ay ka go’an tahay in la dhiso golaha adeegga Garsoorka, sida lagu qeexay tubta toosan qeybteeda Garsoorka.

Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale ay soo gabagaboobmi doonaan muranada la xariira awoodaha la’isku heysto iyo khilaafaadka jira.

Hadalkan ayuu wasiirka Cadaaladda Xukuumadda federaalka Soomaaliya ka jeediyay, xilli maanta uu ka qeyb galayay shir sanadeedka Garsoorka oo muddo labo maalin ah ka soconaya magaalada Muqdisho, kaas oo uu beri soo xiri doono madaxweynaha Soomaaliya.

The post Xukuumadda Khayre oo shaacisay xilliga la dhisayo golaha adeegga Garsoorka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this