Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo xoogan Oo laga sameeyay M/ Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo xoogan ka sameeyay waqooyiga M/ Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidanka boolisku ka fuliyeen xaafado ka tirsan waqooyiga magaaladaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay u jeedka baaritaanadan uu ahaa mid lagu xaqiiniyay amniga.

Sidoo kalena looga hortagayay dhalinyaro xilliyada habeekii ah dhac ka geysta magaalada Gaalacyo ee gobolka Mudug.

Saraakiisha ayaa ka gaabsaday, haddii ay jiraan in dad lagu soo qab qabtay howlgalladaasi iyo in kale.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay cabasho xoogan oo dhinaca amniga ay ka muujiyeen shacabka ku dhaqan halkaasi.

The post Howlgallo xoogan Oo laga sameeyay M/ Gaalkacyo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this