Sign in to follow this  
Deeq A.

QM Oo wakiil cusub u soo magacaabeyso Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (SMN) – Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres oo wareysi gaar ah siinayay VOA-da ayaa ka hadlay arrimo badan oo quseeya horumada ay ku tilaabsaneyso Soomaaliya iyo caqabadaha guud ahaan ka jira qaaradda Africa.

Mr Guterres aya wax laga weydiiyay xaaladda Soomaaliya,waxaana uu sheegay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo magacaabi doono wakiilka QM u fadhin doona Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa maalintii koowaad ee sanadka 2019 soo saartay warsaxaafadeed ay dalka uga eryiday wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicolas Heysom oo dowlada dhexe ay ku eedeysay in uu ku xad gudbay madax banaanida Soomaaliya.

Sidoo kale xoghayaha guud ee QM oo maalmaha soo aadan magaalada Addis Ababa uga qeyb gali doona shir ay soo qaban qaabiyay ururka Midowga Africa oo looga hadlayo aRrimo badan oo la xariira qaaradda Africa ayaa sheegay in uu wanaagsan yahay xiriirka QM iyo dowladda Soomaliya, kadib eryidii Nicolas Heysom.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya, xili dhawaan M/ Muqdisho ay soo gaareen wafdi ka socday QM oo kulamo  la qaatay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

The post QM Oo wakiil cusub u soo magacaabeyso Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this