Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo xoriyaddiisa dib u siiyay muwaadin Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (SMN) – Maxkamad ku taalla Mareykanka ayaa maanta xornimadiisa dib u siisay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/qaadir Shariif Xasan,kaas oo loo heystay dacwado la xiriira in uu dhalinyaro uga qorayay Al Shabaab gudaha dalkaasi.

Muwaadinkan Soomaliyeed oo dhowr jeer oo hore la soo taagay maxkamaddan ayaa waxa la qorsheynayay in loo soo musaafiriyo Soomaaliya, balse maxkamadda ayaa ugu dambeyn mar kale maanta dhageysatay dacwaddiisa, waxaana ay amartay in xabsiga laga sii daayo.

C/qaadir Shariif Xasan ayaa la soo xiray bishii January ee sanadkii la soo dhaafay,waxaana uu ku qornaa in uu ka mid noqdo 69 muhaajiriin Soomaali ah oo dowladda Mareykanka ay dib ugu soo celisay Soomaaliya bishii March ee 2018-kii ,laakiin qareenka u doodayay ayaa dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo dacwadda loo heystay muwaadinkan Soomaaliyeed.

Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii hore ee 2018 boqolaal  Soomaali ah oo sharci la’aan ku joogay dalkaasi u soo musaafurisay Soomaaliya

The post Mareykanka Oo xoriyaddiisa dib u siiyay muwaadin Soomaaliyeed appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this