Sign in to follow this  
Deeq A.

Hakadkii ku jira daabacista baasaboorka Somalia oo war cusub uu kasoo baxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa bilowday daabacista Baasaboorka Somaliya, xilli labadii bilood ee la soo dhaafay caqabad wayn ay ka taagnayd in la helo Baasaboorka.

Shirkadda qaabilsan daabicista Baasaboorka Soomaaliga oo gacanta ay ku hayaan rag Masaari ah ayaa la sheegayaa in afartii Cisho ee la soo dhaafay ay bilaabeen daabicitaanka Baasaboorka oo Bulsho badan oo Soomaaliyed ay u xanibnaayeen.

Mudada hakadka uu ku jiray daabicista Baasaboorka Soomaaliya ayaa sababta waxa ay aheyd in uu dhamaaday mudada heshiiska Shanta sano ee Shirkadda daabicista Baasaboorka horay ay u siisay dowladii Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dowladan ay doonaysay inay qandaraaska daabicista Baasaboorka Soomaaliga ay ka wareejiso Shirkadaasi xilli aysan helin Shirkad kale, balse ay isku dayday in hal sano heshiis ah loo saxiixo Shirkadda inta laga helaayo Shirkad kale, arrintaasi oo ay ku gacan seyrtay Shirkadda daabicista Baasaboorka Somaliga.

Lama oga sida loo xaliyay caqabadaasi taagnayd, balse daabicista Baasaboorka ayaa dib loo bilaabay, waxaana dadka ay yihiin kuwa soo dhaweeyay xalinta mushkiladan.

Dad badan oo arday, ganacsato & dad xanuunsan oo arrimo caafimaad awgeed u bixi rabay ayaa u xanibnaa Baasaboorka.

Caaismada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this