Sign in to follow this  
Deeq A.

Saciid Deni oo Safarkii ugu horeeya galay kadib magacaabista Golahiisa wasiirada

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qorsheynaya inuu isku diyaariyo safarkiisii ugu horeeyay ee uu kaga dhaqaaqayo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu katagayo magaalada Garowe marka uu ku dhawaaqo golaha wasiirada maamulka Puntland, isaga oo kadib safar u dhaqaaqaya.

Safarkiisa ugu horeeya ee uu kaga tagayo magaalada Garowe ayaa la sheegay inuu ku aadi doono magaalada Boosaaso ee gobolka Bari oo xaalado amni ay kusoo kordheen tan iyo markuu xilka qabtay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ujeedada madaxweyne Deni u tagayo magaalada Boosaaso ay tahay inuu isbadal weyn ku sameeyo laamaha amaanka ee gobolka Bari iyo kan magaalada Boosaaso.

Boosaaso waxaa ka dhacay dil ay sheegteen masuuiyadiisa Al Shabaab  kaasi oo lala eegtay sarkaal sare oo ka tirsan Shirkadda DP World, kaasi oo kasoo jeeda Jazeerada Malta ee dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha ayaa waxaa la qorsheynayaa inay horey u raacaan qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada, waxaana wasiirada shaqada ugu horeyso ay ka bilaabi doonaan magaalada Boosaaso, sida xogta aan ku heleyno.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this