Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Kheyre iyo madaxweyne Lafta Gareen oo kulan gaar ah Muqdisho ku yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Koofur Galbeed oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wararka aan ka heleyno madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in kulan saacado qaatay ay yeesheen madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed iyo ra”isul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre.

Kulankaasi oo arimo badan looga hadlayay ayaa waxaa diiradda lagu saaray sii deynta  Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyo xaaladihii ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Senetaro ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka iyo xildhibaanada maamulka Koofur Galbeed kuwaasi oo ku wehlinayay safarka uu kaga yimid magaalada Baydhabo.

Xildhibaanada iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed ayaa iska xog waraystay  xaalladda guud ee deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, isagoo Xildhibaanada u sheegay  in la joogo xilligii loo midoobi lahaa wax u qabashada bulshada ku dhaqan Koonfur Galbeed.

Ma jirto xog dheeri ah oo warbaahinta laga siiyay kulanka gaarka ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this