Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheikh oo Gurigiisa ku booqday Ugaas Khaliif oo dhismihii Hirshabeelle isku qabteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in magaaladaasi kulan gaar ah ku yeesheen madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Kulankaasi ayaa ka dhacay guriga Ugaaska, kadib markii Xasan Sheikh uu magaalada Beledweyne Shalay gaaray madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Kulankaasi oo ahaa mid gaar ah ayaa waxaa Xasan Sheikh Maxamuud uu u muuqday mid uu ku dhaqan gelinayay hadal shalay ka sheegay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa shalay sheegay inuu qancin doono cid walbaa oo tabasho ka muujisay hanaankii loo maray dhismaha maamulka Hirshabeelle oo muddo badan la isku hayay.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa kamid ahaa dadkii sida weyn u dhaliilsanaa dhismaha maamulka Hirshabeelle iyo hanaankii maamulkii Xasan Sheikh Maxamuud ay u mareen.

51168139_2031325556922965_46507896297781 51405216_2031325663589621_53041203710106

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this