Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahfudh Ashur iyo wiilkiisa Ibraahim oo xabsi daa’in loogu xukumay inay taageereen Fasuul

Recommended Posts

Deeq A.   

Mombassa (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya ayaa waxaa ay xabsi daa’in ku xukuntay Aabbe iyo wiilkiisa oo ay Maxkamadda ku heshay in ay taageereen Fasuul Cabdalla oo ka tirsanaa Al-Qaacidda.

Fasuul waxaa lagu dilay Soomaaliya, waxaase loo heystaa in uu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Saafaradda Mareykanka ee sanadkii 1998dii iyo weerarkii Hotel Paradise ee 2002dii ka dhacay Mombasa.

Weerarkaas waxaa ku geeriyooday dad tiradoodu gaareysay 219 qof, waxaana ku dhaawacmay boqolaal kale.

Maxkamadda Magaalada Mombasa ayaa Mahfudh Ashur Hemed iyo wiilkiisa Ibraahim Mahfudh Ashur ku heshay in ay taageereen Fasuul, sidoo kalena gurigooda uu degay intii uu qorshaha weerradaas dejinayay.

Dacwad oogayaasha ayaa maxkamadda ka codsaday in xukunka ugu sarreeya lagu xukumo labada Nin.

Qareennada difaacayay Odayga iyo wiilkiisa ayaa sheegay in Odayga uu mas’uul ka yahay labo gabdhood oo yar yar kuwaas oo ay hooyadood dhimatay sidaas darteedna uu xukunka noqdo mid dhaqancelin ah ee uusan aargoosi noqon.

Mahfudh Ashur iyo wiilkiisa ayaa 11kii sano ee la soo dhaafay si joogta ah u tagayay maxkamadaha intii ay dacwaddooda socotay,qareennadooda ayaa codsaday in xukunka hadda ku dhacay uusan noqon mid xabsi ah hayeeshee loo oggolaado in ay koriyaan carruurta yar yar ee hooyadood ka dhimatay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this