Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Qorshaynta Oo La Kulmay Madaxa Mashaariicda Horumarinta Midawga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland, Cawaale Ibraahin Shirwac, ayaa shalay kulan ballaadhan la qaatay Madaxa Mashaariicda Horumarinta Midawga Yurub ee waddamada Geeska Afrika, waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dhinac.

Wasiirka-qorshaynta.png

Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland, Cawaale Ibraahin Shirwac, ayaa kadib markii uu kulankaasi soo dhamaaday la hadlay warbaahinta waxaanu sharraxaad ka bixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxa horumarinta mashaariicda midawga Yurub ee dalalka geeska Afrika.

Wasiirka oo arrimhaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu qaabilnay wefti ballaadhan oo dalka Somaliland yimid, weftigaas oo uu hogaaminayo madaxa horumarinta mashaariicda midawga Yurub ee dalalka geeska Afrika. Kuwaasi oo nagala shaqeeya mashaariic badan oo uu ka mid yahay mashruuca horumarinta biyaha ee caasimadda Hargeysa iyo mashaariico kale oo waayan.”

Mudane Cawaale waxa uu intaasi raaciyay “Sida aad ogtihiin midawga Yurub waxa uu ka mid yahay Hay’addaha Somaliland kala shaqeeya arrimaha horumarka iyo mashaariic badan oo aad u waawayn, aad baan ugu faraxsanahay in ay iyagu Somaliland si toos ah ula xidhiidhaan oo ay ula shaqeeyaan, waxa kale oo aan ku faraxsanahay in ay maanta booqan doonaan mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda Hargeysa oo ay iyagu maalgeliyeen, waxaannu rajaynayanaa in wada shaqayntayadu aad uga sii fiicnaan doonto halka ay hadda marayso.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this