Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo safiir cusub u soo magacaabeeyso Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo la hadlay Voa-da qeeybta dibadaha la hadasha ayaa sheegay in dhowaan safiir cusub ay u soo magacaabi doonaan Soomaaliya.

Antonio ayaa sheegay in madaxda Soomaalida uu ka hadlay sidii uu u soo magacaabi lahaa safiir cusub oo Soomaaliya kadib ceeyrintii safiirkii hore Nicklos Haysam.

Antonio Guterrea ayaa ka qeeybgalaya shirka madaxda midowga Afrika oo ka furmaya magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

” Soomaaliya waxaan la yeelaneeynaa xiriir cusub waxaana ka caawineeynaa la dagaalanka Al-Shabaab hadda Soomaaliya waa ay soo kabaneeysaa waxaana rajeeyneeynaa in deeymaha laga cafiyo” ayuu yiri Antonio guterra xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa dhowaan ceeyrisiyay Nichlos Haysom oo ahaa wakiilkii qaramada Midoobay ee Soomaaliya kadib markii dowladu ay sheegtay in uu ku xadgudbay qaranimada Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post 

The post Qaramada Midoobay oo safiir cusub u soo magacaabeeyso Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this