Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad ka taqaan shirkada xaraasheysa SHIDAALKA Somalia? (Qeybtii 2-aad)

Recommended Posts

Deeq A.   

Halkan aqriso qeybtii 1-aad

Farqiga u dhexeeya shirkadda Schlumberger iyo shirkadaha waaweyn ee shidaalka ayaa ah in Schlumberger ay ka macaashto goobaha dawlad la’aanta. 

Dhammaan hawlgalladii shirkaddan ee waddamada Libya, Burma, Turkmenistan, Chad iyo Angola waxay dhaliyeen su’aalo fara-badan oo ay ku jiraan xadgudubyo ka dhan ah bani’aadamka oo illaa hadda aan la iska wareysan.

Muddadii ay shaqeyneysay Schlumberger weligeed kama xishoon cambaareynta hay’adaha xuquuqda aadanaha, madaxdeeduna marar dhif ah ayey warbaahinta la hadlaan — waana marka ay iyaga dan ugu jirto xogta warbaahinta ay siinayaan.

DUMARKA TURKMENISTAN

Dukuminti diblomaasiyadeed (diplomatic cable) oo uu qoray danjire hore oo Mareykanka u joogay waddanka Turkmenistan, ayna faafisay shabakadda Wikileaks ayaa lagu arkay dhaqamo la yaab leh oo shaqaalaha Schlumberger ka geysteen dalkaasi.

“Schlumberger ayaa kireysatay nin u dhashay Turkmenistan si uu daafaco danaha shirkadda, una dhimo kharashka kaga baxa baadda iyo laaluushka booliska Turkmenistan ka qaadaan shirkadda Schlumberger,” ayuu qoray danjiraha hore.

“Waxaa xitaa uu ka caawiyey inay u gooyaan xisaab-xirkii laga rabay inay sameyso shirkadda. Wuxuu kaloo ka badbaadiyey musaafuris shaqaale u shaqeynayey Schlumberger oo lagu heley xadgudub galmo haween u dhashay dalkaasi— oo ah lama taabtaan halis ah.” ayuu sii raaciyay qoraalka warqad-diblomaasiyeedka.

Qoraal kale oo loogu talagalay gudaha Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, hase yeeshee lagu qoray wargeysyada ayaa lagu sheegay in shirkadda Schlumberger laga soo xigtay inay sheegtay in  “musuqmaasuqa ka jira dalka Turkmenistan uu ka sahlan yahay kan ka jira Kazakhstan iyo Azerbaijan”- oo ay labaduba ka hawlgashay shirkaddan.

NIGERIA

Schlumberger waxay sheegtay in ay saddex jibaar gaarsiisay kharashka dhanka amniga kaga baxa oo markii hore ahaa 55% miisaaniyadeeda guud eek u baxda shaqada shidaalka ee ay ka wadday dalka Nigeria sababtuna waxay ahayd falal afduub ah oo loo geystay shaqaaleheeda. Taasi micneheedu wuxuu yahay inay kireysatay calooshood u shaqeystayaal hubeysan oo reer Nigeria ah.

Sannadkii 2005, Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa qirtay in Schlumberger iyo labo shirkadood oo kale: Halliburton iyo Baker-Atlas ay qaab suuq-xirasho (monopoly) ay uga faa’ideen shidaalka Imaaraadka Carabta iyo Kuwait ayna ka qaadeen faa’ido xad-dhaaf ah.

DAGAALKII CIRAQ

Schlumberger iyo Halliburton waxay xiriir hoose muddo dheer la lahaayeen Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Dick Cheney, iyadoo la sheegay inay ka mid ahaayeen kooxihii u ololeeyay in duullaan lagu qaado Ciraq si looga faa’ideysto kheyraadkeeda shidaalka.

Shirkadda Halliburton waxaa la sheegaa in mulkiyadeeda uu leeyahay Cheney. Waxaa la wariyay in dagaalkii Ciraq ay shirkadda Halliburton ka heshey faa’iido dhan $39.5 Billion oo uga soo xarootay adeegyo kala duwan oo ay siineysay ciidamada iyo hay’adaha Dowladda Mareykanka ee Ciraq joogay, waxaana adeegyadaas ku jiray dhanka ammaanka iyo dhismaha.

CYPRUS

Bishii Agoosto 2016, Wasiirkii Caddaaladda Cyprus ayaa dacwad laaluush ah ku soo oogay labada shirkadood Schlumberger iyo Halliburton kaddib markii ay ku caddaatay inay si sharci darro ah ku soo galeen dalka oo ay ka qaateen shatiga baarista shidaalka iyagoo laaluushay saraakiil ka tirsan dowladda Cyprus.

Haddaba dhammaan dhacdooyinkan waxay caddeymo u noqon karaan sida aanay nadiif u ahayn shaqada shirkaddan. Waxaana hubaal ah in haddii ay lugaha la soo gasho Soomaaliya, oo aan aaminsanahay inay ka sharci iyo tabar yar tahay waddamada aan soo sheegnay, inay ka geysan karto dembiyo ka daran kuwaa aan aan horey u tilmaamay.

Bal u fiirso in wasiir dhan lagu casuumay shir la leeyahay shidaalkii dalkaaga ayaa lagu xaraashayaa (sawirka 2aad) oo hotel la dejiyo iyo cunto dhowr maalmood ah oo laga bixiyo looga beddelanaayo shatiyo!!!

W/Q: Abdalle Ahmed Mumin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this