Sign in to follow this  
Deeq A.

Falastiini Madaxweyne Ka Noqday Dalka El Salvador.

Recommended Posts

Deeq A.   



(SLT-El Salvador) Waxaa dhawaan doorashada Madaxweynaha dalka El Salvador ee kuyaala Bartamaha Amerika ku guuleestay Nayib Bukele oo la sheegay in asal ahaan kasoo jeedo Dhulka Falastiin.

C3C7CA4E-1255-4CD6-832D-D4B8489172E0.jpe

Nayib Bukele oo ah ganacsade da’yar sidoo kale horey usoo noqday Duqa Caasimada dalka El Salvador, waxa uuna doorashadii dhacday Axadii ku guuleestay in ka badan 54% codadkii la dhiibtay.

Siyaasigan asal ahaan kasoo jeeda Falastiin ayaa sameeyay olole doorasho oo aad u xoogan, waxa uuna soo afjaray Nus qarni ee dalkaasi taladiisa hayeen labo Xisbi siyaasadeed.

Madaxweynaha Cusub ee loo doortay dalka El Salvador Nayib Bukele oo 37-sano jir ah ayaa dhawaan la filayaa in xilka si rasmi ah ula wareego, Maxkamada sare ee dalkaasi ayaana xaqiijisay guusha Siyaasigan dhalinyarada ah.

Dalka El Salvador ayaa ah dal yar oo kuyaala bartamaha Qaarada Amerika, waxaana dalkan kunool dad lagu qiyaasaday 6.3 Malyan oo qof, dadka kunool dalkan ayaana u badan kuwa faqri ah .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this