Sign in to follow this  
Deeq A.

Fanka Soomaaliyeed , Axmed Mooge La’aantii siduu ahaan lahaa?..W/Q Cumar Seerbiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Intii ka dambaysay sannadkii 1967 oo ahayd xilliyadii u horreysay ee Axmed Mooge Liibaan heesay, Axmed wuxuu macallin dadban oo faneed u ahaa Hoboladii kala duwanaa ee isaga lawaqtiga ahaa amaba ka dambeeyey .
muddadaasi ka dib way yartahay fannaan Soomaaliyeed oo aan qaadin hees uu Axmed Mooge hore u qaaday , fanka ha ku bilaabo amaba Masrax iyo fadhi midkood bulsho ha ku maaweeliyee.

40C4B6FB-8820-49ED-B4A8-863FEA899442.jpe


Axmed Mooge wuxuu ku jiraa shanta qof ee Fanka Soomaalida ugu heesaha badnaa , Sida Cabdinuur Alaale , Sahra Axmed Jaamac, Maxamed Axmed Kuluc , isaga “Axmed Mooge” iyo Xasan Aadan Samatar. Shantan qof tiro ahaan siday u kala badanyihiin waa arrin dood ah , dadka qaar Kuluc ayey horreysiiyaan kuwana Cabdinuur Alaale .
Axmed Mooge wuxuu lahaa luuq iyo qaab heesid saamaxaysa in godkasta oo tumista muusikada ah ka heesi karo waxaana jira fannaaniin ay adagtahay inay codka dheer ka heesaan oo ku xidhma “Alta” , iyo kuwa codka gaaban “Baasa” aan ka heesi karin , Axmed se labadaba wuu ka heesi jiray , taasi ayaana sababtay in fannaan oo dhan badi uu qaaday heesaha Axmed Mooge .
Dadka Kabanka bartay wixii ka dambeeyey 1967 badankoodu waxay ku barteen tumista heesaha uu Axmed Mooge qaaday oo dabcan dhuuntiisa ka samaysan , waxaana badi heesihiisa uu qaaday ay u laxamaysanyihiin qaabka loo yaqaano {Scales} ama Iskaalooyin/Jaran , oo ah in daadeg iyo fuulis loo tumo Kabanka taasi oo qofka baranaya u fudud . Alle ha janneeyo Axmed.
Sidee kuula muuqdaa fanka Axmed Mooge?
Axmed Mooge oo ku heesaya Laxanka Ciil .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this