Sign in to follow this  
Deeq A.

Afhayeenkii Xisbiga Wadani Hadii Xilka Lagaga Qaadey Deyntii Uu Xusey Ee Xukuumadii Hore Miyaan La Odhan Karin

Recommended Posts

Deeq A.   

Inkastoo Aan dhaliilahayga u Badin jirey Xukuumada iyo Dhacdooyinka Xiligan, Waxaan Ka adkeysan Kari Waayay Qoddob aan Si Badheedh ah u arkey oo aanan ka Warqabin in Mujtamaca Somaliland Igala aragti Qabaan iyo Inkale Taas, oo ah Isweydiin Mar Walba igaga soo Baxa Mucaaridada Xisbiga Waddani ee Mucaaridka ah oo aan Mararka Qaarkood Arimaha ay ka falceliyaan Ka dhex Akhristo in ay Xisbigaasi Gunta hoose u Fadhiyaan Koox Difaac u ah Dhegxumada Xukuumadii Hore ee Madaxweyne Siilaanyo.

333.png

Marka Gees Kasta laga eego Sida La isugu Baddelay Barkhad Jaamac Batuun oo Loo Magacaabey Afhayeenka Xisbiga Waddani iyo Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Waxa ay ku Tusaysaa

in Koox gaar ahi Kusii Siqeyso in ay Meelo Muhiim ah Xisbiga kaga baacsadaan Raggii Cabdiraxmaan-ciro oo Koox gaar ahi hadda Gacanta ku Wada dhigayso Xilalka Xisbiga,Waxaan Qarsoonayn in Markii Xirsi Cali Xaaji Xasan Kusoo Biirey Waddani in uu Sigaar ah gacanta ugu Dhigay Koox dhalinyar ah oo ku hareeraysnaa Gudoomiyaha iyo Murrashaxa Xisbigaasi Cabdiraxmaan-ciro Waxaana kamid ah Ragaa Dhalinyarada ah ee Xirsina u Gacan Galey Cirona ka Xuubsiibtey Barkhad Jaamac Batuun,Sadiiq Dhame,Nuuradiin Diini,iyo Xoghayaha Gaarka ah Cabdiqaadir Ciidle, oo isaguna Mudadii ololaha Xoghayn u ahaa Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Waliba Xubno kale oo iyaguna hadda aan Wali Soo Wada mudhbixin inkastoo Muniir iyo Safiina isaga hore ula Socdeen.
Sikasta oo ay Tahey Su,aasha Isweydiinta lihi Waxa weeyi Xilkaqaadistan Lagu Sameeyay, Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Islamarkaana, Lagu Badelay Barkhad Jaamac Batuun Miyaanay aheyn, Mid kusoo Beegantey Sheegistii Xildhibaanku Ku Xusey Dayntii at Gashey Xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo, Geesta kalena Miyaanay aheyn Mid ay Ka Dhex Muuqdaan Kooxdii u Gacan Gashey Kooxda Xirsi oo Iyaguna Fursadan Ka Faa.ideystay Hadii la isku Badelayo Buubaa iyo Barkhad maxaa Wakhti kale iyo Fadhi Wayne Xisbigu u Dhan yahey loogu Beegi Waayay.

Gabagabadii hadii ay Arimuhu Sidaa kusii Socdaan Waxaa Suurtagal ah in Cabdiraxmaan-Ciro looga Faa,ideysto in Xisbiga Banaanka laga dhigo Ragiisii Islamarkaana, uu Faro madhan ka joogsado Dhalinyaradii uu Kusoo Tabcey ee Iyaguna ka Xuubsiibtey Markii Xirsi Kusoo Biirey Xisbiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this