Sign in to follow this  
Deeq A.

Godkeey geeyeen iyada iyo gabankeedii (Qisada hooyo Shukri iyo wiilkeeda)

Recommended Posts

Deeq A.   

Sanooyinkaan dambe waxaa soo badanayay in Qaraxyo lala beegsado goobaha Dadka rayidka ah ku badanyihiin sida Maqaayadaha, Hoteelada, Waddooyinka iyo goobaha ganacsiga, waxaana ugu dambeeyay tii ka dhacday Mall-ka lagu magacaabo Muqdisho Mall.

Inta la ogyahay ugu yaraan 10-Ruux ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badana way ku dhaawacmeen Qaraxa Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ay ka gaysteen Degmada Xamar-wayne gaar ahaan meel u dhow Muqdisho Mall oo horay loo oran jirey Kuraaja Del Suud.

Dadka dhintay waxaa ka mid aha Hooyo Shukri C/laahi oo xilligaasi ku sugneed goob dharka lagu iibiyo oo ay ku lahayd meel ka soo horjeeda Suuqa Muqdisho Mall iyo Wiil keeda Maxamed Jacfar oo shaqada ku caawinayay.

51080335_2041086275946646_42417594887904Waxaa ku dumay Dhismaha Dukaanka ay ku ganacsanayeen Shukri iyo wiilkeeda, iyadoona markii danbe laga soo saaray burburka hoostiisa iyagoo Meyd ah.

Shukri C/llaahi waxay korineysay Lix Caruur ah oo ay dhashay sida ay inoo sheegeen dadka aqoonta u lahaa, waxay xoog iyo Garab buuxa u ahayd caruurteeda oo ay u shaqaynaysay.

Allaha u naxariiste Shukri caruurta ay ka tagtay ee hada nool waa Shan, waxaana u yar Gabar Saddex Sano Jir ah, iyadoo Caruurta inta kale ay ku jiraan xilliga waxbarashada.

51383192_1959061487553426_60282154443834Ehelada Marxuumiinta ayaa inoo sheegay Maxamed Jacfar inuu ahaa 17-sano jir, xillina waxbarasho ku jira xilina Hooyadiis ku caawiya Shaqada.

Alle ayaa Quraankiisa ku sheegay in Qof kasta oo ku talagal u dila qof Mumin ah inuu Abaalkiisa yahay Naarta Jahanamo oo waliba uu ku waarayo.

وَمَنْ يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُتَعَمِّدًا فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَابًا عَظِيمًا

4-tii Janaayo Al-Shabaab waxay God-ka Geeyeen hooyo Shukri iyo Gabankeedii.

W/D: Maxamed-kaafi Sheekh Abuukar

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this