Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war ka soo saartay dilkii Cabdi Salaan Kurjow iyo C/raxman Jimcaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay dilkii manta ee korneyl Cabdisalaan Sheekh Aaden oo ahaa abandulaha qaybta 12-ka Abril iyo Korneyl Cabdiraxmaan Jimcaale Muuse oo ahaa madaxa maamulka lacagta Guutada 1-aad.

Labadan sarkaal ayaa maanta ku dhintay qarax lala eegtay gaari ay la socdeen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada dowladda oo ka dhacay degaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan. Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxaas lagu dilay dhammaan ilaaladii la socotay saraakiisha.

Cabdi Salaan Aadan Kurjow ayaa ahaa Abaanduulihii lagu badalay General Cabdi Cali Jamaame oo ku dhintay qarax bilooyin ka hor ka dhacay isla deegaanadaasi.

Al-Shabaab ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay sii laba jibaartay weerarada qorsheysan ee lagu beegsanayo saraakiisha dowladda federaalka.

Shalay ayay ahayd markii magaalada Muqdisho lagu dilay Gaashaanle sare Cabdi Nuur Kadiye oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka xoogga, kaas oo ka mid ahaa ku dhawaad 10 qof oo lagu dilay qarax ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this