Sign in to follow this  
Deeq A.

Naadigga Barri iyo Galbeed oo ku Guuleystay Koobka Tartanka Borama Cup

Recommended Posts

Deeq A.   

Naadigga Barri iyo Galbeed oo ku Guuleystay Koobka Tartanka Borama Cup XKCSL 2019

 

 

Naadigga ku ciyaarayay magaca shirkadda socdaalka ee Barri iyo Galbeed ayaa Jimcicii ku Guuleystay koobkii Tartanka kubadda cagta ee Naadiyadda Heerka Koowaad ee Degmadda Borama (Borama Cup) oo XKCSL uu qabtay, maal-gelisayna Shirkadda Socdaalka ee Barri iyo Galbeed Telefishanka caalamiga ah ee HCTV uu si toos ah looga daawaddo dunnidda oo dhan.

Tartankan oo muddo bil ah ka socday garoonka kubadda cagta ee Xaaji Daahir Stadium ayaa waxaa XKCSL uu u qabtay naadiyadda heerka koowaad ee Degmadda Borama, kuwaas oo tiradoodu ahayd 12 naadi.

Haddaba kulankii Finalka ee tartanka Borama Cup ayaa waxaa u soo gudbay kadib markii ay dedaal la yimaadeen labadda naadi ee Barri iyo Galbeed iyo Wasaaradda Maaliyadda Borama, waxaana 1:0 ay guushu ku raacday naadigga Barri iyo Galbeed gool ay billowgii ciyaarta ay la yimaadeen.

Guddoomiyaha XKCSL iyo Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa si wada-jir ah koobkii tartanka Borama Cup u guddoonsiiyay naadigga Barri iyo Galbeed, halka sidoo kale iyana Abaal-marino kala duwan la guddoonsiiyay ciyaartoydii kale ee dedaalka la yimid tartanku intuu socday.

IMG_1745-300x200.jpg IMG_1747-300x200.jpg IMG_1746-300x200.jpg IMG_1752-300x250.jpg IMG_1754-300x200.jpeg IMG_1750-300x200.jpg IMG_1751-300x200.jpg IMG_1753-300x200.jpg IMG_1748-300x200.jpg IMG_1749-300x200.jpg IMG_1744-300x200.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this