Sign in to follow this  
Deeq A.

Dekedda Boosaaso Oo maalintii labaad xiran

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in maalintii labaad ay xiran tahay Dekedda magaalada Boosaaso ee gobolkaasi.

Xirnaashan ayaa loo sababeynayaa dilkii shalay loo geystay madaxii shirkadda DP World u qaabilsanaa Dekeddaasi.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa intaasi ku daraya in dhammaan shaqaalaha iyo howlwadeenada kale laga saaray Dekedda Boosaaso, kadib falkaasi.

Marka laga soo tago hakadka ku yimid howlaha Dekedda waxaa sidoo kale soo baxaya in uu Geeriyooday ninkii Toogtay  Paul Anthony Fermosa, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Ibraahim.

Ninkan oo isaga oo dhaawac ah ay qabteen Ciidamada amniga ayaa xalay ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Al Shabaab ayaa sheegtay dilka loo geystay ninkaasi Ajnabiga, oo u dhasho ahaan ka soo jeeday Jaziiradda Malta.

The post Dekedda Boosaaso Oo maalintii labaad xiran appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this