Deeq A. Posted February 5, 2019 Ankara (SMN) – War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa si kulul loogu cambeereeyay weerarkii qaraxa ahaa ee shalay ka dhacay M/Muqdisho. Xukuumadda Ankara ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay weerarkaasi, iyadoo ku tilmaamtay in uu ahaa mid baahalnimo ah. Qoraalka wasaaradda ayaa lagu yiri “waxaan si xoogan u cambaarayneynaa qaraxaasi, waxaana Tacsi u diraynaa shacabka iyo dowladdda Soomaaliyeed. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliaydda qaraxan oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 Qof, halka ay ku dhaawacmen tiro intaasi ka badan. Source:- Anadolu Agency The post Turkiga Oo cambaareeyay qaraxii Xamar Weyne appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites