Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga Oo cambaareeyay qaraxii Xamar Weyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (SMN) – War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa si kulul loogu cambeereeyay weerarkii qaraxa ahaa ee shalay ka dhacay M/Muqdisho.

Xukuumadda  Ankara ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay weerarkaasi, iyadoo ku tilmaamtay in uu ahaa mid baahalnimo ah.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu yiri “waxaan si xoogan u cambaarayneynaa qaraxaasi, waxaana Tacsi u diraynaa shacabka  iyo dowladdda Soomaaliyeed.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliaydda qaraxan oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 Qof, halka ay ku dhaawacmen tiro intaasi ka badan.

Source:-  Anadolu   Agency

The post Turkiga Oo cambaareeyay qaraxii Xamar Weyne appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this