Deeq A. Posted February 5, 2019 Balcad (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoogan maanta uu ka dhacay degmada Balcad ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa salka ku haya xiisad u dhexeysa guddoomiyaha Balcad iyo xoghayaha maamulka oo garab ka helaya taliyaha nabad sugida degmadaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, iyadoona ay fashilmeen kulamo lagu dhex dhexaadinayaya labada dhinac. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa halkaasi Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa xiisad xoogan ay ka taagneyd M/Balcad, taas oo sababtay in ay dagaalamaan ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. The post Dagaal xoogan oo markale ka dhacay degmada Balcad appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites