Deeq A. Posted February 5, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya dagaal mar kale maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamo ka kala amar-qaata Gudoomiyaha degmada iyo taliyaha nabad-sugida ee isla degmadaasi ayaa dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac. Idaacada Shabelle oo u kuur-gashay sida ay wax u dhaceen ayaa xiriir kala duwan la sameysay labada dhinac. Ugu horeyn, taliyaha nabad-sugida ayaa tilmaamay in ciidamada Gudoomiyaha ay soo weerareen goob uu kaga sugnaa degmada Balcad. Balse, gudoomiyaha oo aan isku deynay inaan ku helno khadka telafoonka si uu uga jawaabo eedaynta ayaa nan ka jawaabin dalabkeena. Dhinaca kale, xoghayaha degmada Balcad, Yuusuf Xasan Cali, oo lagu eedeeyay in ciidamadiisa ay qayb ka ahayeen iska hor-imaadka ayaa gaashaanka ku dhuftay. Lama oga sababta dhabta ah ee keentay isku dhaca mas’uuliyiinta degmada Balcad oo hoostaga maamul goboleedka HirShabelle. Xaalada degmada ayaa caawa lasoo sheegayaa inay tahay mid degan, inkasta oo la tilmaamay inay ciidamada wali is-horfadhiyaan. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka dhacay Balcad appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites